Cristiano Ronaldo oo si Xun Baalasha uga rifay kooxdiisii hore ee Man United…(Aqriso Wareysigii uu bixiyay Ciyaartii Xalay kaddib)

(Europe) 08 Nof 2018. Cristiano Ronaldo ayaa weeraray kooxdiisii hore ee Manchester United isagoona sheegay inay nasiib ku badiyeen ciyaartii xalay isla markaana aysan sameyn wax ay guul ugu qalmeen haba yaraatee.

Kooxda Jose Mourinho ayaa guul soo laabasho leh waqti dambe xalay ka gaartay Juventus ciyaartii ka dhacday Torino inkastoo ay ciyaarta maamuleysay kooxda reer Talyaani.

“Sagaashanka daqiiqo innagaa kulanka xukumeynay, waxaan helnay fursado badan. Kulanka waxaan dili karnay saddex ama afar jeer, laakiin waan is-dhiganay waana nala ciqaabay,” Ronaldo ayaa sidaa u sheegay Sky Italia.

“Manchester United ma aysan sameyn wax ay kulanka ku guuleysan karto haba yaraatee. Xitaa kama hadli kartid Nasiib, Waayo waa inaad heshaa Nasiibkaaga, xaaladaana innagaaba iyaga siinay,” Ronaldo ayaa sidaa u sheegay Sky Italia.

“Champions League waa tartan gaar ah halkaa oo ay tahay inaad guuleysato, laakiin aadan is dhigan karin maadaama ay wax kasta dhici karaan.

“Iminka waa inaan madaxeena kor u qaadnaa, maadaama aan si fiican u ciyaarnay dhabtii aana weli hogaamineyno Group-ka.

Ronaldo oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay Goolkii quruxda badnaa uu ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Man United.

“Qolka dhar-badelashada ayaan ku arkay ku celiska goolka, ma moodeyn inuu goolku ahaa mid cajiib ah, laakiin waxaan sameeyay dhaqaaq fiican si xoogan ayaana u laaday kubbada.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close