Maxaad kala socotaa Labada WAJI ee Luis Suarez!!?????

(Spain) 07 Nof 2018. Barcelona ayaa xalay u soo gudubtay wareega 16-ka Champions League kaddib markii ay xalay bar baro 1-1 la gashay kooxda Inter Milan, laakiin Luis Suarez wax gool ah ma dhalin taa oo ka dhigan  inuu wax gool ah dhalin la’yahay 1,418-daqiiqo kulamada Europe uu ku soo ciyaaray bannaanka (Away).

Markii ugu dambeysay uu Barcelon gool u dhaliyo Champions League kulan bannaanka ah waxay ahad bishii September 2015.

Suarez oo ku guuleystay gool dhalinta La Liga ee 2015/16 ayaa sidoo kale iminka sagaal gool ku hogaminaya gool dhalinta kal ciyaareedkan waxaana taa u dheer inuu labo kulan ku dhaliyay Shan gool.

Dhaliyaha reer Uruguay waa Libaax markuu ka ciyaarayo La Liga balse wuxuu u muuqdaa Bisad kulamada Yurub.

Kulankii xalay dhaliyahii hore ee Liverpool ayaa sameeyay 9 Shot/Laad laakiin wuxuu kubbada daba marin waayay goolhaye Samir Handanovic, wuxuuna soo bar bareeyay Rikoodhka laacibkii hore ee Barcelona Ronaldinho kaa oo sidan oo kale 9-laad gool ku dhalin waayay Finalkii ka dhacay Paris 2006.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close