Guuldarradii Liverpool kasoo Gaartay Red Star Belgrade Waxaa Sabab u ahaa Xiddigaheeda Qadka Dhexe

( Champ’ League ) 07 Nof 2018. Liverpool ayaa soo bandhigay cayaar liidata kulankii guuldarrada kasoo gaartay Red Star Belgrade habeenkii talaadada sida ay muujineyso xogtaan – Reds ayaa sameyn hal jilaafo oo aan guuleysan laacibeenteeda dhexe.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa ku qasaartay 2-0 kulanka waana mid dib u dhac ku ah kooxda hamigeeda ku aadan wareega bug baxda, bandhiga cayaareedka niyad jabkaana waa mid ay ka sinaayeen dhammaan safkeeda u cayaaray.

Qadka dhexe, ayaa Klopp wuxuu u xushay seddaxda cayaariyahan ee James Milner, Gini Wijnaldum iyo  Adam Lallana, kasoo dhawaan kasoo laabtay dhaawac.

Natiijada sawirka James Milner, Adam Lallana and Georginio Wijnaldum

Yeelkeede Lallana iyo kooxda ku wehlisay qadka dhexe uma aysan cayaarin qaab wanaagsan, sida laga soo xigtay website UEFA iyo website WhoScored, dhammaan seddaxda laacib ayaa sameyn hal burburin ama jilaafo intii lagu duga jiray kulanka.

Milner iyo Wijnaldum ayaa kulanka dhameystay, halka Lallana lagu badalay daqiiqadii 79-aad Divock Origi.

Laakiin cudurdaarka ay heystaan ayaa ah iney ku wanaagsanaayeen dhanka kubbad heysashada oo ay la yimaadeen 63% boqolkiiba – balse taasi ma dabuuli karto awood yarida jilaafooyinka ka heystay kooxda Klopp.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close