“Ballon d’Or aniga ayaa u Qalma.”.- Varane

(Madrid) 07 Nof 2018. Daafaca Real Madrid iyo xulka qaranka Faransiiska Raphael Varane ayaa aaminsan inuu sameeyay wax kasta oo karaankiisa ah si uu sanadkan ugu guuleysto abaal marinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or.

Varane ayaa ka mid ah xiddigaha u sharaxan abaal marinta kubbada dahabka waana laacibka kaliya ee sanadkan ku wada guuleystay Champions League iyo World Cup.

“Wuxuu ahaa sanad dahabi ah,” Wiilka reer France ayaa sidaa u sheegay France Football.

Related image

“Dhanka asalka ah ee dhabta ah waa waxa ka dhaca garoonka.

“Mid sahlan uma muuqan doonto haddaan iska soo qaado kuwa sanadkan u codeenaya Ballon d’Or.

“Waxaa jira ciyaartoy badan oo aan innaba caadi ahayn kuwaa soo qaatay sanad heer sare ah.

“Waxaan sameeyay wax kasta oo karaankeyga ah.

“Waan ku faraxsanahay in durba dadka ay aniga iga hadlayaan ayna aqoonsadeen shaqadeyda, ciyaaryahanka iyo shaqsiga aan ahay.

Raphael Varane ayaa aaminsan in wax iska hor imaad ah aysan abuuri doonin abaal marinta Ballon d’Or maadaama ay kula tartamayaan xiddigo badan oo kala tirsan xulka iyo kooxdiisa Real Madrid.

“Kuwa ugu cad cad Ballon d’Or, haddii ay yihiin Franasiis iyo hadii kalaba waa saaxiibadeyda,” Varane oo hadalkiisa sii wata ayaa sidaa yiri.

“Ma jiri doono wax dhibaato oo dhexdeena ah.

“Haddii uu ku guuleysto laacib kale oo Faransiis ah, waan ku farxi doonnaa qofkasta uu noqdo.”.

Ku guuleystaha Ballon d’Or ayaa lagu dhawaaqi doonaa 3-da bisha soo socota.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close