Zanetti oo u rajeeyay Messi inuusan ciyaarin kulanka caawa ay isku wajahi doonaan Champions League

(Inter) 06 Nof 2018. Madaxweyne ku xigeynka Inter Milan Javier Zanetti ayaa ka hadlay xaalada kooxdiisa, kahor kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan Barcelona tartanka Champions League.

Inter Milan ayaa fursad weyn u heli doonta inay u gudubto wareega xiga ee 16-ka tartanka Champions League hadii ay guul ka gaarto caawa kooxda Barcelona.

Halyayga xulka qaranka Argantina ayaa kahor kulankan wuxuu wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain.

“Waxaan ku jirnaa waqti wanaagsan, waxaan hagaajinayay arimo badan, waxaan u baahnayn inaan shaqaaleysiino ciyaartoy cusub, waxaana ka shaqeeneynaa sida aan sare ugu qaadi lahayn ganacsigeena aduunka oo dhan”.

“Champions League waa meesha aan ka amba qaadi karno, waxaan xili kasta u baahanahay inaan kasoo muuqano tartan sidan oo kale ah”.

“Kulanka caawa wuxuu noqon doonaa mid aad noogu adag, laakiin waxaan dooneynaa inaan guul gaarno”.

“Barcelona waxay isku dayi doontaa in kulankan ay ku bilaawato si xoogan, lakiin waxaan heysanaa tayada lagama maarmaanka ah ee aan ku joojin karno”.

“Waxaan ka war qabaa in Messi uu doonayo in kulankan uu ciyaaro, laakiin waxaan rajeenayaa inuu fariisto kursiga keydka mudo dheer”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close