Santiago Solari oo ka hadlay kulanka habeen dambe Viktoria Plzen, muxuuse ka yiri Ramos?

(Champions) 06 Nof 2018. Macalinka kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa kasoo hor muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay kula ciyaari doonaan kooxda Viktoria Plzen tartanka Champions League.

Santiago Solari ayaa ka warbixiyay qaabka ay kooxdiisa Real Madrid ugu diyaar garoowday kulanka Viktoria Plzen wuxuuna yiri:

“Tartanka Champions League waa mid ku xiran taariikhda kooxdeena, kulankan wuxuu noqon doonaa kii saddexaad ee aan tababare ka noqon doono kooxda Real Madrid waana ku faraxsanahay”.

“Marwalba dhibaato ayaa jirta, waana inaan la tacaamulnaa, ma guuleysan kartid adigoon sameynin wax fiican, sidaas darteed waa inaan qabanaa shaqo fiican”.

“Waxaan ka fakarayaa kulanka berri oo kaliya, waxaan ku kalsoonahay kooxda, hadii ay ahaan lahayd maalin ama usbuuc”.

“Sergio Ramos wuxuu leeyahay awooda uu ku qaado mas’uuliyada kooxda maadaama uu yahay kabtanka Real Madrid, waa mas’uuliyad weyn, wax badan ayuu qabtaa, wuxuu ahaa hogaamiye cajiib ah”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close