Liverpool oo Baalasha laga rifay…+SAWIRRO

(Europe) 06 Nof 2018. Liverpool ayaa guu darro lama filaan ah kala kulantay FK Crvena Zvezda oo 2-0 ku martay.

Qeybtii hore ee Ciyaarta ayaa labada gool laga wada dhaliyay kooxda Liverpool.

Milan Pavkov ayaa madaxa ku hubsaday karoos kaga yimid saaxiibkii Marko Marin daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta.

7-daqiiqo uun kaddib Marko Marin ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo kii labaad ee kooxdiisa  FK Crvena Zvezda kubbad uu ka dhaliyay diilinta ganaaxa bannaankeeda.

Group C oo ay ku jirto Reds ayaa aad u qasan oo waxay leedahay 6-dhibcood halka Napoli iyo PSG oo wada ciyaaraya ay kala leeyihiin 5 iyo 4-dhibcood, FK Crvena Zvezda oo iyana caawa soo adkaatay ayaa leh 4-dhibcood

Dhinaca kale Theiry Henry ayaa weli raadinaya guushiisa ugu horreysa kooxda Monaco wuxuuna kulanka kooxdiisa caawa uu guuldarro xoogan kala kulmay naadiga Club Brugge oo kaga adkaatay 4-0 xili lagu cayaarayay garoonka kooxda uu leyliyo.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close