Icardi oo Guuldarro ka Badbaadiyay Inter Milan xili Napoli ay Barbaro ku Celisay PSG iyo dhammaan Natiijooyinka Koobka Champions League.

( Champ’ League ) 06 Nof 2018. Inter Milan ayaa xili dambe barbaro la gashay kooxda Barcelona markii kulankooda uu ku idlaaday 1-1.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 0-0, balse markii dib loogu soo laabtay kaambiyaha dambe labada koox ayaa si weyn usoo bandhigay cayaar aad u wanaagsan.

Balse 10-kii daqiiqoo ee ugu dambeyay dheeshay ayay timaadeen goolasha kulanka.

83-daqiiqo Barcelona ayaa hogaanka qabatay kaddib kubbad uu goolka ku hubsaday laacibka Malcom laakiin waxaa goolkaas baabi’iyay Marou Icardi oo guuldarro ka badbaadiyay kooxdiisa markii dheeshu ka dhineed 2 daqiiqo kaliya.

Waxayna laba koox ku kala baxeen 1-1.

Isla Group-kan B Tottenham ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay PSV Eindhoven oo mati aheyd waxayna uga badiyeen 2-1.

Dhanka kale Group-C ayaa aad u qasan markii kooxaha Napoli iyo Paris Saint Germain ay ka faa’iideysan waayeen guuldarradii soo gaartay Liverpool wuxuuna kulan cayaareedkooda kusoo idlaaday barbaro 1-1 ah

Natiijooyinka kale ee kulamada caawa la dheelay ayaa sidaan kusoo dhammaaday.

Champions League – Group A November 6

FTAtletico Madrid 2 – 0 Borussia Dortmund

Champions League – Group D November 6

FTFC Porto 4 – 1 Lokomotiv Moscow

FTSchalke 04 2 – 0 Galatasaray

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close