FA-ga England oo shaaca ka qaaday garsooraha dhex dhexaadin doono kulanka Manchester derby

(Premier League) 06 Nof 2018. Xiriirka Kubadda Cagta England ee (FA) ayaa shaaca ka qaaday garsooraha dhex dhexaadin doono kulanka la wada sugayo Axada soo aadan ee Manchester derby.

Kooxaha Manchester City iyo Manchester United ayaa Axada soo aadan ku wada ciyaari doono Etihad Stadium kulankooda 12-aad horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

Wargeyska “Independent “ ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in garsooraha Anthony Taylor oo 40 jir ah uu Xiriirka Kubadda Cagta England u aqoonsaday inuu leylin doono kulanka Manchester derby.

garsoore Anthony Taylor ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah garsoorayaasha caalamiga ah, waxaana uu sannadkii hore dhex dhexaadiyay finalkii FA Cup ee u dhaxeeyay kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Xilli ciyaareedkan Anthony Taylor weli ma uusan kasoo muuqan 11-kii kulan ee laga soo ciyaaray horyaalka Premier League.

Garsoorahan Anthony Taylor ayaa soo maamulay 27 kulan xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, wuxuuna bixiyay kaliya hal kaarka casaanka ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close