Iska Iloow Messi, Aguero, Higuain, ama Mauro Icardi weeraryahanka ugu Wanaagsan Xiddigaha Argentina waa ….?

( Paris ) 06 Nof 2018. Waa jira tiro weeraryahano halisa oo maskaxdaada kusoo dhaca marka aad maqasho weeraryahay ‘Argentin ah.’

Lionel Messi, Sergio Aguero, Gonzalo Higuain, iyo Mauro Icardi ayaa kamida kuwa ugu fiican ee aad tusaale ahaan soo qaadaneyso, laakiin midkooda maahan kan ugu wanaagsan xagaagan dhaliyaasha kasoo jeeda Argentinian ee ka xamaasha horyaalada qaarada yurub xili cayaareedka iminka socoda.

Taa badalkeed, Abaalmarintan waa laacibka Nantes Emiliano Sala, kasoo dhaliyay 10 gool xagaagan, waana mid ka wanaagsan dhammaan xiddiga ay dhalasha wadaaga yihiin.

Emiliano Sala is the most prolific Argentinian striker in Europe this season, scoring 10 goals

Tobankiisa gool uu dhaliyay ayaa ka dhigan inuu seddax gool ka sareeyo, Messi iyo Aguero, oo labaduba todoba gool dhaliyay. Icardi oo lix gool u dhaliyay Inter Milan, iyo Higuain oo shan gool u dhaliyay AC Milan.

28-jirkaan ayaa xirfadiisa kubbadda cagta kasoo bilaabay Bordeaux, iyadoo uu amaahyo guuleystay uu kusoo qaatay kooxaha Orleans, Niort,iyo Caen.

Wuxuu u dhaqaaqay Nantes 2015, isagoo u saftay tan iyo markaa 112 kulan, wuxuu u dhaliyay 40 gool ilaa hadda. Tobanka gool uu dhaliyay tan iyo bilaawga kal cayaareedkan waa mid uu ku muteystay inuu noqdo dhaliyaha ugu wanaagsan kuwa reer Argentina, iyadoo dhanka kale uu seddaxley u dhaliyay Nantes kulan ay 4-0 uga badiyeen Toulouse bishii lasoo dhaafay.

The Argentine has never been capped for his country, even though he's outscored Messi so far

Inkastoo ay jiraan dhaliyaal waayeen oo kubbadda cagta ah, Sala ayaa weli marnaba u safan xulkiisa. Wuxuuna rajeynayaa inuu muujiyo wacadaradiisa si uun loogu yeero safka xulka Argentina.

Nantes ayaa haatan ku jirta kaalinta 10-aad ee horyaalka Ligue 1, sidaas darteed qaab ciyaareedka gooldhalinta Sala ma aysan aheyn mid ku filan iyaga inay sarre u kacaan..

Waxa uu ka dambeyaa dhan kala sareynta gooldhalinta horyaalka Ligue 1 da’yarka Kylian Mbappe oo 11 gool leh kasoo noqday laacibka ugu qiimaha badan kubbadda cagta adduunka.

He's also outscored Sergio Aguero, who has seven goals for Manchester City so far this season

Image result for Gonzalo Higuain OR Mauro Icardi

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close