“Waxaan ku noolaa isla xaalada Gareth Bale oo kale, marka aan ku sugnaa Manchester United” – Ryan Giggs

(Yurub) 05 Nof 2018. Halyayga kooxda Manchester United ee Ryan Giggs in Gareth Bale aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaleeceenada uu la kulmay xiliyadii lasoo dhaafay.

Macalinka xulka qaranka Weles ee Ryan Giggs ayaa go’aansaday maanta in Bale uu ugu yeero liiska xidigahiisa labada kulan ee soo aadan ay la ciyaari doonaan xulalka Denmark iyo Albania.

Ryan Giggs ayaa mar u la hadlayay shabakada “Sky Sports” ee dalka England wuxuu u sheegay:

“Aniga waxaan ku soo noolaa isla xaaladan oo kale, marka aan ku sugnaa kooxda Manchester United”.

“Kooxaha waa waaweyn waxaad kala kulmeysaa cadaadis waqti kasta, taasoo Gareth Bale uu haatan la kulmay, wuxuu jecel yahay inuu qeyb ka noqdo xulka qaranka”

“Waxaan ka hadleynaa ciyaaryahan heer sare ee caalami ah, kaasoo aanan xulkiisa kaga tagi karin meel adag, Gareth Bale wuxuu u ciyaaraa koox weyn sida Real Madrid, waa shaqsi guuleed waana uu ogyahay wax walba”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close