Van der Vaart oo ka Fariistay gabi ahaan Ciyaaraha kaddib markii..

(Europe) 05 Nof 2018. Rafael van der Vaart ayaa ka dhawaajiyay inuu isaga fariistay ciyaaraha gabi ahaan kaddib markii uu soo gaaray dhaawac.

Rugcadaaga reer Holland ayaa waqti qurux badan ku soo qaatay kooxaha Ajax, Hamburg, Real Madrid iyo Tottenham.

35-jirka ayaa la joogay kooxda ka dhisan dalkiisa ee Esbjerg fB tan iyo bishii Agoosto, laakiin wuxuu ka soo muuqday saddex kulan oo qura sidii uu ugu biiray kaddib dhaawac soo gaaray.

Van der Vaart ayaa sheegay in kooxdan uu u yimid inuu ciyaaro balse uusan u imaan inuu dhaawac ka soo kabto sidaa darteed ay tahay waqtigii uu joojin lahaa ciyaaraha gabi ahaan.

Laacibka ayaa sheegay inuu ka mahadnaqayo waqtigii quruxda badnaa uu ku soo qaatay garoomada kooxihii uu soo maray ee Ajax, Hamburg, Real Madrid iyo Tottenham.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close