SAWIRRO: Liverpool oo u safartay dalka Serbia

(Europe) 05 Nof 2018. Liverpool ayaa u safartay dalka Serbia si ay habeen dambe Champions League ula ciyaarto kooxda Red Star Belgrade.

Xherdan Shaqiri ayaa laga reebay shaxda Reds maadaama laga cabsaday in soo dhaweyn xun uu kala kulamo taageerayaasha reer Serbia.

Dejan Lovren iyo Naby Keita ayaa lagu soo daray 21 ciyaaryahan uu kulanka u soo xushay Klopp kaddib markii ay ka soo kabteen dhaawacyo ay qabeen.

Nathaniel Clyne ayaan u safrin Belgrade maadaama uu xanuunsan yahay.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close