Ronaldo oo ku lug leh qaab ciyaareedka fiican ee Paulo Dybala

(Turin) 05 Nof 2018 Weerar yahanka reer Argentina ee Paulo Dybala ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa wanaagsan.

TuttoSport ayaa daaha ka qaaday in Cristiano Ronaldo uu ka caawiyay Paulo Dybala inuu dib ugu soo laabto qaab ciyaareedkii fiicnaa ee looga bartay.

Ronaldo ayaa ah laacibka ugu horeeya ee yimaada tababarka Juventus, Paulo Dybala ayaana dhiiro galin ka qaaday qaabka tababarka ee Cristiano.

24 jirka reer Argentina ayaa doonaya inuu raaco wadada Cristiano Ronaldo oo kale, waana sababta uu markale u noqday laacib ka dhex muuqda Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close