RASMI: Goorta iyo Goobta lagu ciyaarayo Supercoppa Italia oo la Xaqiijiyay….(Juventus vs Milan)

(Italy) 05 Nof 2018. Waxaa la xaqiijiyay in Final ka Supercoppa Italia la ciyaari doono 16-ka bisha Janaayo isla markaana lagu ciyaari doono dalka Sacuudiga.

Bianconeri ayaa ku wada guuleysatay  Serie A iyo the Coppa Italia, sidaa darteed waxay la ciyaari doontaa Milan oo soo gaartay Finalka koobka dambe.

Waxaa la isku hayay in la ciyaari doono waqti u dhexeeya 12-ka iyo 16-ka bisha Janaayo balse waxaa iminka la xaqiijiyay in la ciyaari doono 16-ka iyadoona lagu ciyaari doono Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabi.

Waa markii 10-aad ee Supercoppa Italia lagu ciyaaro meel ka baxsan Talyaaniga.

Supercoppa waxaa horey loogu soo ciyaaray Magaalooyinka Tripoli, New York, Beijing, Doha iyo Shanghai.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close