Kulanka Milan iyo Juventus ee Super Cup-ka Talyaaniga oo halis ugu jira in dib loo dhigo (Sabab?)

(Riyadh) 05 Nof 2018 Kulanka Super Cup-ka talyaaniga ee dhex mari doona Juventus iyo AC.Milan ayaa la filayaa in dib loo dhigo.

Milan ayaa laga qaaday Coppa Italia halka Juventus ay isku darsatay horyaalka iyo Coppa Italia, sida sharciga ah Milan ayaa la ciyaaraysa Juventus Super Cup-ka Talyaaniga.

Kulanka ayaa lagu balan sanaa in la ciyaaro 12-ka Janaayo ee 2019, balse Calcio Mercato ayaa sheegtay in kulanka dib loo dhigi doono dhawr maalin.

Image result for milan vs juventus supercoppa

Waxaa dhici karta in lagu aadiyo Super Cup-ka Talyaaniga 16-ka Janaayo, waxaana la filayaa in xiriirka kubadda cagta talyaanigu uu wadahadal la yeelan doono maamulada labada kooxood si loo go’aamiyo waqtiga ugu haboon.

Sababta dib loogu dhigayo kulanka ayaa ah in xulka qaranka Sucuudigu oo dalkiisa lagu ciyaarayo kulankaan uu la ciyaarayo 12-ka Janaayo xulka qaranka Lubnaan kulan ka tirsan koobka Asia.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close