“Kulanka Barcelona iyo Inter waa tijaabo ku wajahan kubadda talyaaniga” – Fabio Capello

(Milan) 05 Nof 2018 Tababaraha reer talyaani ee Fabio Capello ayaa ka hadlay kulanka Inter ay marti qaadayso Barcelona.

Fabio Capello ayaa sheegay in kulanka Barcelona uu tijaabo u yahay kubadda cagta talyaaniga oo is badal laga dareemayo xiliciyaareed kaan.

Image result for Inter vs Barcelona

Daawashada kubadda cagta talyaaniga ayaa sare u kacday xiliciyaareed kaan kadib markii Ronaldo uu ku biiray Juventus suuqii xaggaaga.

“Kulanka Inter iyo Barcelona wuxuu tijaabo u yahay kubadda cagta talyaaniga, waxaana la ogaanayaa in wali ay ku dhibtoonayaan marka ay ka hortagaan kooxaha reer Spain” ayuu yiri Fabio Capello.

“Kooxaha talyaanigu waa ay dhibtoodaan marka ay ka hortagaan kooxaha u ciyaara qaabka kubadd haysiga, haatan waxaan ka hadlaynaa Barcelona oo caan ku ah Tikitaka, inkasta oo haatan si dirito ah ay u ciyaaran kadib Valverde”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close