“Jose Mourinho wuxuu abaal weyn u geestay Paul Pogba” – Fabio Capello

(Manchester) 05 Nof 2018. Fabio Capello ayaa aaminsan in la qabsigiisa Paul Pogba ee kubada cagta dalka England kadib marka uu dib ugu soo laabtay Manchester United uu sabab buuxda u yahay Jose Mourinho, inkastoo xiriir wanaagsan uusan ka dhaxeeynin labadooda.

Pogba ayaa beeca xurta ah kaga dhaqaaqay kooxda Manchester United dhigeeda Juventus sanadii 2012-kii, kahor inta uusan dib markale ugu soo laaban aduun dhan 110 milyan euro.

Laakiin laacibka khadka dhexe ee reer France ayaan xiriir wanaagsan la lahayn macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho.

Hadaba Fabio Capello oo arintan ka hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Ma ahayn wax sahlan in Pogba uu la qabsaday kubada cagta dalka England, balse waxaa ka caawiyay Jose Mourinho”.

Macalinka reer Talyaani ayaa intaas kadib iska diiday inuu hoos u dhigo tayada ciyaartoyda kooxda Red Devils.

“Manchester United waxay u qalantaa ixtiraamka ugu sarreeya, sababtoo ah waxaa wali ka cabsanaya dhamaan kooxaha kasoo hor jeeda”.

Capello ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay kooxdiisii hore ee Juventus, sababa la xiriira in xili ciyaareedkan si xoogan lala xiriirinayo inay ku guuleysan karaan tartanka Champions League.

“Waa xili hore mana haboona in lala xiriiriyo inay ku guuleysan karaan Champions League, lakiin waxay dhaxleen dabeecada yurub, waxayna sidaas ku muujiyeen kulankii ka dhacay garoonka Old Trafford”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close