Florentino Perez oo ku dhagan Ramos iyo Marcelo! (Labada laacib oo dusha laga saaray …..!!)

(Madrid) 05 Nof 2018 Madaxwaynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa ku dhagan Sergio Ramos iyo daafaca reer Brazil ee Marcelo.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in madaxwaynaha Real Madrid uu ku eedeeyay labadaan laacib inay masuul ka yihiin dhibaatada haatan haysata kooxda.

Image result for Perez Ramos Marcelo

Taageerayaasha Real Madrid ayaa ku oriyay Sergio Ramos kulankii ay 2-0 uga adkaadeen Valladolid sabtigii, waxaa loo haystaa 32 jirkaan inuu masuul ka yahay dhibka haysta kooxda.

Perez ayaa dareensan in dhibaatadii lagu cayriyay Lopetegui ay abaabuleen Sergio Ramos iyo Marcelo oo haatan ah hogaamiyayaasha qolka labiska ee Real Madrid.

Haddii uu sii socdo hoos u dhaca Real Madrid waxaa sii xumaan kara xiriirka u dhexeeya Perez iyo labadaan laacib.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close