Cristiano Ronaldo oo loo DIIDAY inuu Free Kick/Laadadka Xorta ah u Tuuro Juventus ka hor kulanka Man United…(Sidee wax u jiraan?)

(Europe) 05 Nof 2018. Cristiano Ronaldo ayaa loo diiday inuu Juventus u tuuro Free Kick yada u dhow goosha ka hor kulanka ay Arbacada ku wajihi doonaan kooxdiisii hore ee Manchester United tartanka Champions League.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku soo bilaaban doona kulanka Arbacada balse ma qaadi doono ama ma tuuri doona Laadadka Xorta ah ee u dhow goosha maadaama uu u diiday tababare Allegri.

Ronaldo ayaa qaab ciyaareed fiican ku bilowday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Serie A isagoona ku lug lahaa kala bar 24-ka gool ay Juventus dhalisay horyaalka kal ciyaareedkan.

Cristiano Ronaldo Juventus Man Utd Champions League

“Ronaldo waa Xariif caqli badan, wuu ogyahay in Pjanic iyo Dybala ay yihiin kuwa aad ugu fiican tuurista Free Kick yada iyaga ayaana tuuri doona Laadadka xorta ah ee ku dhow goosha,” Tababare Allegri ayaa sidaa yiri.

“Marka ay Laadadka Xorta ah ka fogyihiin goosha, Ronaldo wuu tuuri karaa laakiin waxaan go’aansaday in Dybala iyo Pjanic ay qaadi doonaan Free Kick yada ku dhow dhow goosha.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close