“Waan u XIISAY isaga.”.

(Europe) 04 Nof 2018. Cristiano Ronaldo ayaa bixiyay Qish ah inuu u dhaqaaqi karo horyaalka MLS dalka Mareykanka si uu dib ula midoobo saaxiibkii Wayne Rooney oo uu sheegay inuu u xiisay.

Labada laacib ayaa ka soo wada ciyaaray Manchester United sanadihii u dhexeeyay 2004 ilaa 2009 ka hor inta uusan xiddiga reer Portugal u dhaqaaqin Real Madrid.

Dhaliyaha Cusub ee Juventus ayaa qishay in markale ay qolka dhar badelashada wadaagi karaan saaxiibkii hore ee Rooney.

Picha inayohusiana

“Waa saaxiib Cajiib ah, sida aad ku tiraahdaan Ingiiiska. Waxaan had iyo jeer ugu yeeri jiray Saaxiibadeena dhexdooda ‘Pit Bull’ Eey Xoogan,” Ronaldo ayaa sidaa u sheegay  Goalhanger.

“Waan xusuustaa marka uu kubbada lumiyo, aad ayuu u xooganaa, xarfaan aad u xoogan, Laadkiisa/Shuudkiisa innaba caadi ma ahayn wuxuuna dhaliyay goolal badan.

“Waan u xiisay isaga. Mustaqbalka cidna ma oga, laga yaabee inaan maalin uun markale wada ciyaarno.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close