SAWIRRO: Xulka Qaranka Soomaaliya oo diyaar Garoow adag ugu jira Koobka Oleymbikada Adduunka….(Goorma ayay Dalka ka amba-baxayaan, Yeysa la ciyaarayaan?)

(Muqdisho) 04 Nof 2018. Xidigaha xulka qaranka Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jira tartanka is reeb reebka koobka Olymbikada Adduunka.

Maalmihii ugu dambeyay xulkeena waxey diyaar garow xoogan ku sameynayen garoonka dhaca degmada Hodan ee Jaamacadaha.

23-kii October ayay aheyd markii la xareeyay Xiddigaha Xulka qaranka Soomaaliya iyago labada galinba sameenayay tababar adag.

Wiilasha ocean Stars ayaa ka amba bixi doona caasimada magaalada muqdisho 11-ka bishan oo ay ku beegan tahay maalinta axada, ciyaartooda koowad waxey la dheeli doonan xulka Itoobiya marka ay taariikhdu tahay 14-ka bishan sida jadwalka ku xusan.

Xulkeena sanadkan waxaa ka muuqda diyaar garow weyn waxaana la rajeenayaa inay meel fiican ka gaari doonaan tartanka Olymbikada Adduunka.

SAWIRRO:

W/D: Cabdifitaax Nani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close