Sarri oo Jabiyay Rikoodh Sanado badan u yiilay Premier League

(London) 04 Nof 2018. Maurizio Sarri ayaa jabiyay Rikoodh 24-sano u yiilay Premier League kaddib guushii 3-1 ay dhawaan Chelsea ka gaartay naadiga Crystal Palace.

Macallinka reer Talyaani ayaa noqday macalinkii ugu horreeyay Premier League ee aan 11-kulan laga adkaan xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay horyaalka Ingiriiska.

Bluse ayaan marna dhinaceeda dhulka la dhigin 11-kulan ay ciyaarta PL ilaa iminka waxayna soo xiratay kaalinta 2-aad iyadoo goolal kaga hormartay Liverpool oo ay min 27-dhibcood wada leeyihiin.

Sikastaba, Sarri ayaa kulanka ka hor sheegay inuusan dooneyn inuu ka fikiro wax rikoodh ah habayaraadaane isla markaana uu doonayo oo kaliya inuu ka fikiro kulanka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close