Man City oo kali ku noqotay hogaanka Premier League kadib markii ay xasuuqday Southampton

(Manchester) 04 Nof 2018 Manchester City ayaa kali ku noqotay hogaanka Premier League kadib markii ay xasuuqday kooxda Southampton oo marti u ahayd, waxayna uga adkaatay 6-1.

6-daqiiqo, Daafaca Southampton ee Wesley Hoedt ayaa hogaanka u dhiibay Man City kadib markii uu shabaqa kooxdiisa si qaldan u galiyay kubadd uu banaanka soo dhigay Sane, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 1-0.

Sergio Aguero iyo David Silva ayaa sii raacsaday 6-daqiiqo gudahood 2-gool, waxayna ka dhigeen natiijada ciyaarta 3-0.

30-daqiiqo, Danny Ings ayaa gool u soo celiyay kooxdiisa Southampton kadib markii uu gool u badalay rigoore loo dhigay kooxdiisa, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-1.

Dhamaadka qaybtii hore ee ciyaarta, Raheem Sterling ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 4-1.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay natiijadaas, balse qaybtii labaad Man City ayaa u ciyaartay si ka dagan qaybtii hore.

67-daqiiqo, Sterling ayaa markale gool u dhaliyay kooxdiisa Manchester City, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 5-1.

Dhamaadkii ciyaarta Sane ayaa quus u diray ciyaarta kadib markii uu dhaliyay goolkii 6-aad ee Manchester City, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 6-1.

Manchester City ayaa haatan hogaanka horyaalka ku haysa 2-dhibic oo nadiif ah kadib markii Liverpool xalay lagu qabtay barbaro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close