HORDHAC: Udinese v AC Milan

( Serie A ) 04 Nof 2018. AC Milan ayaa booqan doonta dhigeeda Udinese Kulamada 11-aad ee horyaalka Serie A todobaadkan.

Rossoneri ayaa ku jirta kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka waxayna min 18 dhibic wadaagaan Lazio.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Serie A

Waqtiga: 10:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Marco Di Bello

Garoonka: Stadio Nereo Rocco

Wararka Labada Koox

Maamulaha Julio Velásquez ayaa la filayaa inuu sii wato shax cayaareedka 3-5-2 kasoo isticmaalay kulankii Genoa ee todobaadkii hore.

Valon Behrami ayaa laga yaabaa in cayaartan la nasiyo, waxaana u cadcad booskiisa Rolando Mandragora.

Gennaro Gattuso ayaa si lama filaan ugu cayaaray shaxda 3-4-1-2 kulankii bartamaha todobaadkii hore uu wajahay Genoa.

Laacibka Giacomo Bonaventura ayaa diyaara markale,Waxaan suuragal inuu Gattuso dheelo saf cayaareedka ah 4-4-2 kulanka maanta.

Tiemoué Bakayoko ayaa lagu amaanay hab cayaareedkii usoo bandhigay kulankii u dmabeyay wuxuuna qadka dhexe ku wehlin doonaa Franck Kessie, iyadoo uu dhibaato kubkaa qabo laacibka Lucas Biglia.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Udinese ayaa laga dhaliyay ugu yaraan laba gool shantoodii cayaar ee u dambeysay horyaalka Serie A.

Udinese ayaa qasaartay seddaxdii dheel ee u dambeysay oo ay ku cayaareen garoonkooda kulamada horyaalka.

Milan ayaa mar walba badisay marka ay dhaliyaan laba gool iyo wax ka badan afar kamida shantii cayaar ee u dambeysay horyaalka tayaaniga.

Milan ayaa laga dhalinayay gool tobanka kulan oo ay ilaa hadda cayaartay horyaalka Serie A xili cayaareedkan.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close