Goolkii Aguero oo Rikooradaan laga diiwaan galiyay

(Manchester) 04 Nof 2018 Sergio Aguero ayaa gool u dhaliyay kooxdiisa Manchester City kulan ay haatan la ciyaarayso kooxda Southampton.

Aguero ayaa u dhaliyay City mid kamid ah 5-ta gool ee haatan kooxdiisu ay ku hogaaminayso ciyaarta, goolkaas ayaana sameeyay rikooro kala duwan.

Wuxuu ahaa goolkii 150-aad ee Sergio Aguero uu ka dhaliyo Premier League, sidoo kale wuxuu noqday laacibkii labaad ee 150-gool ku gaara sida ugu dhaqsiyaha badan kadib Alan Shearer oo goolashaas ku gaaray 212-kulan, Aguero ayaa 150-gool ku dhaliyay 217-kulan oo uu ka soo muuqday Premier League.

Sergio Aguero ayaa noqday laacibka 3-aad ee goolasha ugu badan u dhaliyay hal koox Premier League waana 150-gool waxaa ka horeeya Thierry Henry oo 175-gool u dhaliyay Arsenal iyo Wayne Rooney oo 183-gool u dhaliyay Man United.

Sidoo kale wuxuu noqday laacibkii 9-aad ee taariikhda Premier League ka dhaliya 150-gool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close