DEG DEG: Rooney oo Xaqiijiyay inuu u ciyaarayo Xulka England balse……

(England) 04 Nof 2018. Wayne Rooney ayaa xaqiijiyay inuu u ciyaarayo xulkiisa England ciyaarta ay ku wajahayaan USA balse wuxuu carabka ku adkeeyay inuu yahay kulankiisii ugu dambeeyay uu u ciyaaro xulka lagu naaneyso Saddexda Libaax.

SunSport ayaa goor dhaweyd sheegtay in Rooney lagu wado inuu markale ka soo muuqdo xulka England balse iminka laacibka ayaa afkiisa ka xaqiijiyay.

Xulka England ayaa ku sharfaya xiddigooda ugu goolasha badan taariikhda ciyaarta ay la yeelan doonaan Mareykanka 15-ka bishan iyadoona lacag loogu ururin doono Rooney Foundation International.

“Dhabtii waan isla hooseeyaa aad ayaana ugu faraxsanahay inaan England kula ciyaaro Wembley markale,” Rooney ayaa sidaa yiri.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan Gareth Southgate iyo FA uga mahadnoqo inay xulka dib iigu casuumaan ayna gacan ka geystaan inay caawiyaan hey’adeeda.

“Inaan u ciyaaro xulka England waa Sharaftii iigu wayneyd waayaheyga ciyaareed, sidaa darteed inaan ku guuleysto kulankeygii 120-aad ee xulka iyo keygii iigu dambeeyay waxay i noqon doontaa waqti gaar ah.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close