Chelsea oo kaalina labaad xiratay, kadib markii ay guul muhiim ah Crystal Palace kaga gaartay Stamford Bridge

(Premier League) 04 Nof 2018. Kooxda reer London ee Chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaartay kulankeedii 11-aad ee horyaalka Premier League, kadib markii ay ku dhufatay kooxda Crystal Palace oo marti u ahayd 3-1.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineesay kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea, kadib markii uu Alvaro Morata dhaliyay gool uu caawinteeda lahaa Pedro.

Qeybta labaad marka dib leysug soo laabtay ayay kooxda martida ahayd ee Crystal Palace la timid goolka barbaraha waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigay 53 daqiiqo xidiga Andros Townsend oo goolkan ka caawiyay saaxiibkiis James McArthur.

Laakiin Chelsea ayaan wax dhibaato ah ka marin durbadii in ciyaarta ay ka dhigto 2-1 maadaama ay ku ciyaareesay garooonkeeda Stamford Bridge, waxaana daqiiqadii 65-aad markale gool u dhaliyay Alvaro Morata, waxaana markan ka caawiyay goolkan Eden Hazard.

 

Laakiin isla daqiiqadii 70-aad markale kooxda Chelsea ayaa dhalisay goolkeeda 3-aad ee ciyaarta, kadib markii uu Pedro si toos ah u niyad jabiyay wiilisha Crystal Palace isla markaana ciyaarta uu ka dhigay 3-1.

Ugu dambeyn wiilisha Maurizio Sarri ayaa waxay kulankan guul muhiim ah kaga gaareen kooxda Crystal Palace oo marki ku ahayd garoonka Stamford Bridge wuxuuna kulanka ku soo idlaaday 3-1.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close