Barcelona oo Guul Dhib Badan Waqti Dambe ka Gaartay Rayo Vallecano+SAWIRRO

( La Liga ) 04 Nof 2018. Barcelona ayay u suuragashay in laba gool oo xili dambe timid ay guul kaga xaqiijiyaan naadiga Rayo Vallecano oo ay kaga badiyeen 3-2.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-1, Waxaana hogaanka dheesha qabatay Barce oo waxaa goolka u gaaray Luis Suarez oo caawin cajiiba ka helay Jordi Alba.

Laakiin laacibka  Jose Pozo ayaa u barbareeyay kooxdiisa kaddib kubbad uu ka laaday fogaan goolka u jirta 25-yard.

Dib markii loogu soo laabtay qeybta labaad kooxda guriga ayaa durba la wareegtay hogaanka cayaarta waxayna la yimaadeen goolka labaad kasoo uu u dhaliyay xiddiga badalka kusoo galay ee Jose Pozo.

Natiijada oo u muuqan kartay mid guuldarro bidi karta Barca ayaa waxaa goolka bareejada u dhaliyay Ousmane Dembele oo kubbad aan dhulka dhicin goolka dhexdhigay.

Waxaana ugu dambeyn daqiiqadii ugu dambeysay dheesha goolka guusha Barca u horseeday Luis Suarez oo markii labaad goolka gaaray cayaarta.

Barcelona haatan waxay hogaanka ku hayaan afar dhocood kaddib Atletico oo barbaro 1-1 la gashay Leganes iyo Alaves oo maanta marti galin doonta dhigeeda Eiber.

Luis Suarez scored a winner at the death to complete Barcelona's comeback on Saturday

Ousmane Dembele came off the bench to score an equaliser before Suarez hit the winner

Alvaro Garcia had put Rayo Vallecano into a surprise lead with a goal just before the hour mark

Jose Angel Pozo scored a stunning dipping shot to level the scores on Saturday evening

Suarez had opened the scoring with a neat finish after some good work from Jordi Alba

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close