Real Madrid oo Guul ay Ku Silicday Waqti dambe ka gaartay Valladolid+SAWIRRO

( La Liga ) 03 Nof 2018. Real Madrid ayaa ugu dambeyn gaartay guushii ugu horreysay shan kulan kaddib horyaalka La Liga markii ay 2-0 ku dhaafeen kooxda Real Valladolid.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala nastay 0-0, Inkastoo labada dhinac ay fursado goolka abuureen.

Kooxda Martida ee Valladolid ayaa laba kol birta kubbad ku garaacday laakiin uma suura galin ay dhaliyaan wax goolka.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe Real Madrid ayaa isbadal cayaareed la timid waxayna cayaariyaha u sahleen maamulahooda cusub ee Santiago Solari guushii ugu horreysay Horyaalka.

Goolka kowaad ayaa yimid daqiiqadii 83 kaddib kubbad uu darbeeyay laacibka Vinicius Junior oo ku dhacday mid kamida daafaca Valladolid.

Halka goolka labaad uu ahaa rigoore lagu galay Karim Benzema waxaana gool u badaliyay Serigo Ramos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close