Paul Scholes oo dhaleeceeyay difaacyada kooxda Manchester United kadib kulankii Bournemouth

(Manchester) 03 Nof 2018. Halyayga Kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa weerar culus ku qaaday difaaca Red Devils ka dib qaab ciyaareedkii ay ku soo bandhigeen kulankii dhawaa ee Bournemouth, inkastoo guul waqti dambe ay kaga gaareen 2-1.

Paul Scholes ayaa looga bartay inuu dhaleeceen buuxda u diro macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho tan iyo bilawga xili ciyaareedkan,

Balse  Scholes ayaa maanta wuxuu si toos ah u beegsaday difaacyada Red Devils, sababa la xiriira goolkii daah furka ay dhaliyeen kooxda Bournemouth.

“Difaacayada afarta gadaale waxay inoo cadeeyeen inay yihiin kuwo aad u liita kulanka maanta,”

“Toddobaad walba waxay inoo xaqiijiyaan inaysan ilaashan Karin shabaqa kooxdooda”

Manchester United ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay kooxaha ku fashilmay kulamo badan inay ilaashadaan shabaqooda xili ciyaareedkan horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close