Kooxda Dekedda oo mar kale lumisay xidig muhiim ah

(Soomaaliya) 03 Nof 2018. Cabdiqaadir Siidow Seyga Ruushka ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu ka tagay kooxda kubadda cagta Dekedda.

Xidigan ku wanaagsan ka ciyaarista Khadka dhexe ayaa waayo fiican ku soo qaatay naadiga Dekedda isago qeyb ka ahaa xidigihii kula guuleystay labadii sano la soo dhaafay horyaalka Somali Premier League.

Seyga Ruushka ayaa kooxda Dekedda wuxuu ugu soo biiray naadiga Banadir Fc, iyado ay xusid mudan tahay inuu ahaa hogaamiyihii Gobolka Banadir Tartankii Maamul Goboleedka sanadkii 2016-kii ay ku guuleysteen Maamul Goboleedka Puntlad.

Laacibkan khadka dhexe ayaa sida ay wararka xqiijinayaan wuxuu sheegay in ay isfahmi waayen maamulka kooxda iyo isaga shaqsi ahaantiisa.

Ma ahan xidigii ugu horeyay oo kooxda Dekedda ka taga sanadkan waxaa laacibkii afaraad, hore waxaa ugu tagay Cabdulaahi Cali Bile oo ku biiray kooxda Horseed, Saciid Yamani oo isagana ku biiray kooxda Banadir Sports Club, Axmed oo ku biiray naadiga Horseed, Seyga Ruushka ayaa isagana hada ka tagay kooxda heesata horyaalka Somali Premier League, iyado aan la ogeyn kooxda uu ku biiray balse ay jiraan kooxo badan oo aad u baadi goobaya adeega xidigan.

Si kastaba xidigan ayaa kooxda Dekedaa waxey farta ka saartay warqadiisa fasaxa.

W/Q: C/fitaax Naani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close