Inter Milan oo 5-gool ku xaaqday Genoa xilli uu ka maqnaa Hogaamiyahooda Icardi…+SAWIRRO

( Serie A ) 03 Nof 2018. Kooxda Inter Milan ayaa xasuuqday dhigeeda Genoa oo ay uga badiyeen 5-0, waana kulankii 7-aad xariira oo ay guul gaareyso Inter.

Qeybta hore kulanka ayaa lagu kala maray 2-0, waxaana Inter hogaanka u dhiibay markii dheeshu socotay 11-daqiiqo laacibka Roberto Gagliardini.

Intaa kaddib goolka labaad ayay kooxdu heshay waxaana goolka u gaaray Matteo Politano cayaarta ka dhigay 2-0.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe Inter ayaa halkeeda kasii waday weerarka joogtada ah waxayna seddax gool oo dheeri ah.

Daqiiqadii 49-aad Markle waxaa goolka u gaaray Inter Laacibka Roberto Gagliardini ka hor inta uusan Joao Mario dhalin kubbad aad u qurux badan.

Ugu dambeyn waxaa goolasha shantaa ay ku badisay Inter soo gabagabeyay Laacibka Radja Nainggolan oo Madax ku dhameystiray Diib ka yimid Joao Mario.

Inter ayaa haatan ku jirta kala horeynta horyaalka Serie A kaalinta labaad waxayna min 25 dhibcood wadaagaan Napoli  oo beri cayaari doonta halka ay seddax dhibic ka dambeyaan Hogaamiyaasha Juventus.

Politano Inter Genoa

Gagliardini Inter Genoa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close