HORDHAC: Real Madrid v Real Valladolid

( La Liga ) 03 Nof 2018. Real Madrid ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Real Valladolid kulamada 11-aad ee horyaalka La Liga asbuucan.

Los Blancos ayaa ku jirta waqti taariikh xuma ah iyadoo guuldareystay seddax kulan xariira horyaalka oo ay ugu dambeysay bahdilkii El Clasico markaa oo looga badiyay 5-1.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: La Liga

Waqtiga: 06:15 pm ( SGA )

Garsooraha: Jesus Gil Manzano

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wararka Labada Koox

Marcelo ayaa maqnaan doona ilaa dhamaadka bishan kaddib dhaawac kasoo gaaray kulankii El Clasico.

Nacho ayaa lagu wadaa inuu booska daafaca bidix la cayaaro, halka sido kale uu dhaawac yahay Raphael Varane.

Casemiro ayaa qeyb ka noqonaya daafac dhexe, tasoo loo arko midkood Isco ama Dani Ceballos inuu booska qadka dhexe ka badalo ninka Brazil.

Keko ayaa weli ka kabanaya dhawaac, taa ayaa la micno ah in Daniele Verde uu yahay kan buuxin kara booskiisa.

Kiko Olivas ayaa la tababartay kooxda martida todobaadkan wuxuuna diyaar u yahay kulankan.

Kaliya hal badal ayaa laga filayaa Sergio, kuwasoo ku jira qaab wacan.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan afar gool seddaxdii kulan ee u dmabeysay oo ay la kulantay Real Valladolid dhammaan tartamada.

Real Madrid ayaa guuleystay shantii kulan ee u dmabeysay oo ay garoonkeeda kula dheeshay Real Valladolid dhammaan kulamada.

Real Madrid ayaa qasaartay seddaxdii kulan ee u dambeysay horyaalka La Liga

Real Valladolid waa guuldarro la’aan lixdii kulan ee u dambeysay horyaalka La Liga

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close