HORDHAC: Juventus v Cagliari

( Serie A ) 03 Nof 2018. Juventus ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Cagliari kulankeeda 11-aad ee horyaalka Serie A todobaadkan.

Bianconeri ayaa ku jirta xili cayaareed aad u wanaagsan iyagoo guuldarro la’aan tan iyo bilaawga xagaagan kulamada ay dheeshan dhammaan tartamada.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Serie A

Waqtiga: 10:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Maurizio Mariani

Garoonka: Allianz Stadium

Wararka Labada Koox

Max Allegri ayaa xaqiijiyay in Federico Bernardeschi iyo Giorgio Chiellini ay dhaawac yihiin iyadoo aan dhibaato la galin doonin madaama ay bartamaha todobaadkan ay wajahayaan koobka Champions League dhigooda with Manchester United.

Maamulaha Juventus ayaa si kastaba soo dhaweyn doona xiddigaha kala ah Mario Mandzukic iyo Sami Khedira oo dhawaac yo kasoo kacay labaduba waxaana la filayaa iney cayaaraan kulanka Cagliari.

Paulo Dybala oo bandhig wanaagsan sameyay kulamadii dmabe ayaa laga yabaa in keydka la dhigo dheeshan.

Cagliari ayaa sii heysan doonta shax cayaareedka 4-3-2-1 kaddib markii ay ku garaaceen Chievo kulankii u dambeyay.

Lucas Castro ayaa laga yaaba inuu ka dheelo booska faa’iido ah kasoo ka dambeya Pavoletti, oo badal u u ah Artur Ionita.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Waxaa jira 37 kulan oo ay hore u kulmeen Juventus iyo Cagliari iyadoo Old Lady ay hogaanimeyso dhan guulaha waxayna badiyeen 23 kulan halka kaliya laga adkaaday afar dheel.

Naadiga guriga ayaa kulamada guhada aad ugu natiijo wanaagsan waxayna badiyeen cayaarihii dambe shan kamida lixdii dheel ee u dmabeysay.

Juventus ayaa adkaatay labadii kulan ee kooxahan kulmeen xagaagii hore cayaartii turin ayaa ku dhamaatay 3-0 ka hor inta kulanta dambe uusan ku idlaan 1-0.

Juventus ayaa adkaatay 10 kamida 11-kii kulan ee u dambeysay kulamada horyaalka

Shaxda Macquulkaa

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close