HORDHAC: Inter Milan v Genoa

( Serie A ) 03 Nof 2018. Inter Milan ayaa marti galin doonta dhigeeda Genoa kulamada 11-aad ee horyaalka Serie A asbuucan.

Kooxda Nerazzurri ayaa cayaartihii dambe aad u natiijo wanaagsaneed iyagoo kulankii u dambeyay 3-0 ku garaacay naadiga Lazio.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Serie A

Waqtiga: 05:00 pm ( SGA )

Garsooraha: Paolo Valeri

Garoonka: San Siro

Wararka Labada Koox

Luciano Spalletti ayaa la filayaa inuu isku shaan dheen ku sameeyo safkiisa madaama uu indhaha ku hayo kulan Champions League uu wajahayo Barcelona.

Stefan de Vrij ayay macquulka tahay inuu badalo Miranda cayaarta maanta tasoo nasiino siineysa daafaca halyeeyaa.

Radja Nainggolan ayaa weli shaki ku jiraa kooxda guriga mana la galin doono dhibaato.

Cristian Romero ayay suuragal tahay inuu shaxda kowaad kusoo laabto kaddib markii uu seegay kulankii guuldarrada 2-1 ay kala kulmeen AC Milan habeennimadii arbacada madaama uu ganaax ahaa.

Krzysztof Piatek waa gool la’aan seddax kulan xariira waana hogaamiyaha gool dhalinta horyaalka talyaaniga.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Inter ayaa guuleystay lixdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka talyaaniga.

Inter ayaa adkaatay 9 kamida 10-kii kulan ee u dambeysay oo ay garoonkooda kula dheesho Genoa dhammaan tartamada.

Inter ayaa la arkay iney dhaliyeen qiyaastii 2.5 gool lixdii kulan ee u dambeysay oo ay la cayaartay Genoa dhammaan tartamada.

Inter ayaa shabaqa ilaashatay seddaxdii kulan ee u dmabeysay oo ay garoonkooda kula dheeshay Genoa dhammaan tartamada.

Genoa ayaa ku fashilmatay iney guuleysato 10 kamida 11-kii cayaar ee u dambeysay oo ay marti ahaayeen horyaalka Serie A.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close