Gool SAX ah ayaa laga diiday Liverpool…..(SABAB)+SAWIRRO

(London) 03 Nof 2018. Sadio Mane ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool ciyaartii ay dhawaan bar baraha 1-1 Emirates kula galeen Arsenal balse waa laga diiday maadaama uu calan wade Simon Long tilmaamay inuu Offside ahaa.

Yeelkeede, Garsoore hore Peter Waltson ayaa ku doodaya inuu goolka ahaa mid sax ah isla markaana ay qaldan yihiin garsoorayaashii dhex dhexaadinayay kulankii dhawaa ee Gunners vs Reds.

Inkastuu Mane taagnaa boos Offside ah markii hore uu kubbada soo karoosayay Alexander-Arnold, laakiin offside kuma uusan jirin markii ay kubbada birta ku dhacday oo ay soo laabatay.

Waayo wuxuu taagnaa saaxiibkii Firmino gadaashiisa, sidaa darteed goolka sax ayuu ahaa sida uu qabo garsoore Waltson.

“Mane Offside cad ayuu ku jiray markii kubbada la soo karoosayay laakiin kubbada kuma uusan lug lahayn waqtigaas,” Waltson ayaa sidaa u sheegay BT Sports.

“Intaa kaddib Mane offside kuma jirin markii uu Firmino kubbada ciyaaray oo uu birta ku dhuftay, sidaa darteed waa gool fiican.”.

Rugcadaagii hore ee Manchester United Rio Ferdinand oo kulanka falanqeenayay ayaa qudhiisa qaba in goolka uu sax ahaa isla markaana la ansixin lahaa haddii ay VAR jiri lahayd.

SAWIRRO:

\

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close