Xiddigaha Leicester City oo galaya Safar 12,000 oo mile si ay uga qeyb galaan DUUGTA Milkiilahoodii Geeriyooday

(England) 02 Nof 2018. Xiddigaha Leicester City ayaa u duulaya dalka Thailand si ay uga qeyb qaataan Duugta Milkiilahoodii geeriyooday ee Vichai Srivaddhanaprabh.

Mr Srivaddhanaprabh ayaa ka mid ahaa shan ruux oo ku dhimatay bannaanka garoonka King Power mar ay soo dhacday Helicopter-kiisa isla markaana ay gabi ahaan bur burtay.

Kooxda lagu naaneyso Foxes ayaa gali doonta safar 12,000 oo mile marka ay berito la ciyaarto kooxda Cardiff horyaalka Premier League.

Picha inayohusiana

Ciyaartoyda waa wayn ee kooxda Leicester City ayaa tababarahooda Claude Puel u sheegay inay doonayaan inay ka qeyb galaan duugta milkiilahooda taa oo beri ka bilaaban doonta dalka Thailand.

Tababare Puel ayaa sheegay in ciyaartoyda ay doonayaan inay taageero u muujiyaan qoyska Milkiilahoodii geeriyooday, xaaskiisa, wiilkiisa iyo dhammaan reerka isla markaana uu diyaar u yahay inuu siiyo fursadaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close