Xavi Hernández oo ku dooday in Barcelona ay sameyn karto arintan muhiimka ah

(Barcelona) 02 Nof 2018. Halyayga kooxda Baracelona Xavi Hernández ayaa wuxuu xaqiijiyay in kooxda haatan , ee Blaugrana in ay ku guuleysan karto saddexleyda taariikhiga ah.

Dhinaca kale Xavi Hernández ayaa carabka ku adkeeyay in Neymar Jr uu yahay xidigaha kaliya ee ka ag dhow qaab ciyaareedka Lionel Messi.

“Barcelona ma ahan inay lumiso wax tartan ah xili ciyaareedkan, iyadoo ciyaartoyda haatan ku sugan kooxda Barca, ay suuragal tahay inay ku hogaamiyaan saddexleyda”.

“Ma ahan inaan fiirino kooxda Real Madrid, way adag tahay in xili kasta aad guuleysato, Champions League waa tartan aad u adag”.

“Neymar Jr waa laacibka kaliya ay suuragal tahay inuu ka ag dhawaado qaab ciyaareedka Lionel Messi”.

Si kastaba Barcelona ayaa dooneysa inay ku laabato tartanka Yurub, ka dib markii ay ka maqnaayeen muddo seddex sano ah, waxaana inta ay ka maqan tahay kusoo wada guuleesatay Real Madrid, seddex jeer ee xiriir ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close