Shaqsi labo baskoolad wata oo xoog ku galay Old Trafford kulankii Juventus iyo Man United oo qaadaysa tilaab adag!

(Manchester) 02 Nof 2018 Manchester United ayaa go’aan ku qaadatay inay wax ka badasho amaanka garoonkeeda Old Trafford.

Arinkaan ayaa yimid kadib markii taageere uu garoonka si xoog ah ula galay labo baskoolad oo ah kuwa lagu ciyaaro.

Image result for Old Trafford Juventus

Taageeraha ayaa garoonka la galay boorso ay ku jirtay labo baskoolad, waxaana la ogaaday in hab dhaqankii taageerahaas uusan jirin qof uu wax ka soo gaaray.

“In labo baskoolad la soo galiyo garoonka waa hab dhaqan aan masuuliyad lahayn, nasiib wanaag hab dhaqankii qofkii xooga ku galay garoonka ma jiro qof uu dhib ka soo gaaray” ayuu yiri qof ku hadlay magaca Man Unitd.

Kooxda ayaana dib u xoojinaysa baaritaanka lagu sugayo amniga taageerayaasha ka hor inta aan la soo galin garoonka Old Trafford.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close