Pep Guardiola oo fariin cad u diray kooxda Real Madrid kadib markii….

(Manchester) 02 Nof 2018. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay u dagaalami doonto inay sii haysato xidiga da’ada yar Brahim Díaz, kaasoo ay doonayaan kooxo badan ee ka dhisan qaarada Yurub ay ugu horeyso Real Madrid.

19 jirkan ayaa wuxuu bandhig cajiib ah ka sameeyay kulankii xalay ee EFL Cup ay kula ciyaareen kooxda Fulham, kadib markii uu dhaliyay 2 gool ay Manchester City guusha ku gaartay, wuxuuna amaan xoogan ka helay macalinkiisa Guardiola kadib mrkii uu kulanka soo idlaaday.

Heshiiska Brahim Díaz ku joogo kooxda Manchester City ayaa wuxuu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkan, Real Madrid ayaana dooneysa inay ka faa’ideysato si ay u sameyso saxiixiisa suuqa furmi doono bisha janaayo.

Laakiin wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in maamulka kooxda Manchester City ay isku dayaan in Brahim Díaz ay ku qanciyaan inuu saxiixo heshiis cusub uu kusii joogi doono Etihad Stadium.

Guardiola ayaa yiri ciyaarta kadib fariin cad u diray kooxda Real Madrid: “Waxaan dooneynaa in Brahim Díaz aan ilaalino oo aan caawino, sida xidig kasta ee ka tirsan akaadiimiyada koxda”.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba ee suuragal ka dhigi kara inuu nala sii joogo, laakiin wax walba naguma xirnaan doonaan anaga oo kaliya, sidoo kale wakiilkiisa iyo qoyskiisa ayaa go’aamin kara mustaqbalkiisa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close