Marco Verratti oo Xalay Xabsi la dhigay isla markaana wajahaya Ganaax adag

(Paris) 02 Nof 2018. Xiddiga qadka dhexe ee PSG  Marco Verratti ayaa xabsi la dhigay balse laga sii daayay kaddib markii la qabtay isagoo cabsan oo kaxeenaya baabuur labo jeer, sida ay sheegayaan warar ka imaanaya dalka Faransiiska

Laacibka reer Talyaani ayaa la joojiyay baabuurkiisa mar uu marayay wadada Paris ring road, saacdaha hore uu subuxii arbacda.

Warsidaha  L’Equipe, ayaa sheegaya in tijaabada laga qaaday dhiigiisa laga helay Alkolo dhan 0.49mg/l waana labo laab xadka France ee 0.20mg/l.

25-jirka ayaa la dhigay xabsi wuxuuna wajihi doonaa ganaax dheer oo dhanka baabuur wadista ah.

Naadiga PSG weli kama aysan hadlin xabsigii la dhigay xiddigooda Verratti.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close