Jamaahiirta kooxda Real Madrid oo hal arin ka codsaday Santiago Solari, kahor kulanka Real Valladolid

(Real Madrid) 02 Nof 2018. Jamaahiirta kooxda Real Madrid ayaa ka codsaday macalinka ku meel gaarka ah ee Los Blancos Santiago Solari, inuu ku soo bilaawo kulanka bari ay horyaalka La Liga kula ciyaari doonaan kooxda Real Valladolid da’ayarka reer Brazil Vinícius Jr.

Kooxaha Real Madrid iyo Real Valladolid ayaa bari ku wada ciyaari doono garoonka Santiago Bernabeu kulankooda 11-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Vinícius Jr ayaa markii ugu horeesay kusoo bilaawday shaxda kooxda Real Madrid kulankii Copa del Rey ay kula ciyaareen kooxda Melilla, tan iyo markii uu yimid garoonka Santiago Bernabeu.

Da’ayarka reer Brazil ayaa wuxuu bandhig fiican ka sameeyay kulankan, isagoo sidoo kale caawiyay goolkii 2-aad uu dhaliyay saaxiibkiis Marco Asensio, wuxuuna ku guleestay inuu hantiyo quluubta jamaahiirta.

Hadaba wargeyska “AS” ayaa wuxuu afti ka sameeyay jamaahiirt kooxda Real Madrid si loo ogaado fikirkooda kaga aadan inay doonayaan in tababare Santiago Solari uu ku soo bilaawdo kulanka bari ee kooxda Real Valladolid.

Hadaba natiijada kasoo baxday cod uruurintii la sameeyay ayaa noqotay mid cajiib ah, kadib markii 90% ay u codeeyeen in Vinícius Jr lagu soo bilaawo kulankan horyaalka La Liga.

Jamaahiirta Real Madrid ayaa waxay u codeeyeen xidiga ku haboon inuu ku soo bilaawato kursiga keydka si loogu soo bilaawo Vinícius Jr.

45% jamaahiirta Real Madrid waxay sheegeen Gareth Bale, kaasoo qaab ciyaareed liita muujiyay kulamadii lasoo dhaafay, sidoo kale 35% waxay u codeeyeen inuu noqdo Karim Benzema, halka Marco Asensio uu soo galay booska saddexaad 11%, Isco ayaa isna galay booska 4-aad 9%.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close