DEG DEG: Labo Xiddig oo Muhiim ah oo ka maqnaanaya Liverpool kulanka Berito ee Arsenal

(England) 02 Nof 2018. Liverpool oo ay labo xiddig ka maqan yihiin ayaa berito Emirates kula ciyaari doonta kooxda Arsenal horyaalka Premier League.

Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay inay ka maqnaan doonaan labadiisa laacib ee qadka dhexe Naby Keita iyo Jordan Henderson.

Henderson ayaa la badelay kulankii ay Reds 1-0 uga adkaatay Huddersfield bishii la soo dhaafay kaddib dhaawac muruqa ah, halka Keita isla dhawac muruqa ah uu ka soo gaaray mar uu u ciyaarayay xulkiisa Guinea.

Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in labada laacib ay seegi doonaan kulanka berito ka dhici doona gegada Emirates ee kooxda Arsenal.

Laakiin Liverpool ayaa helaysa aqb  aar fiican maadaama uu u ciyaari doono xiddigooda Maxamed Saalax kaa oo tababarka lagu arkay iyadoo ay wax ugu xiran yihiin kala goyska gacanta.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close