DEG DEG: Afar DAAFAC oo ka maqnaan kara Arsenal kulanka Berito ee Liverpool

(London)  02 Nof 2018. Arsenal ayaa waxaa beri ka maqnaan kara afar daafac kulanka ay berito Emirates ku marti galin doonaan kooxda Liverpool tartanka Premier League.

Nacho Monreal, Sead Kolasinac, Hector Bellerin iyo Sokratis ayaa la qiimeyn doonaa xaaladooda ka hor kulanka berito.

Dhabar jab wayn ayay ku noqon doontaa tababare  Emery haddii ay wada maqnaadaan afartan daafac maadaama uu isku dayayo inuu iska caabiyo khatarta weeraryahannada  Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

Picha inayohusiana

Gunners ayaa markale ku qasbanaan doonta inay daafaca garabka bidix ka ciyaarsiyaan Granit Xhaka iyadoo ay jirto qaladkii uu sameeyay kulankii Crystal Palace kaddib markii uu Rigoore ku galay Saha taa oo keentay in la bar-bareeyo Arsenal.

Lucas Torreira ayaa waayi doona lamaanihiisa qadka dhexe ee Xhaka haddii laga ciyaarsiiyo daafaca waxaana sidoo kale ganaax kooxda kaga maqan laacibka qadka dhexe ee Matteo Guendouzi, taa oo ka dhigan in qadka dhexe ee daafaca laga ciyaarsiin karo Aaron Ramsey.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close