Buffon oo si cad u sheegay kooxda uu u arko in xili ciyaareedkan ay ku guuleysan karto Champions League

(PSG) 02 Nof 2018. Goolhaayaha kooxda Paris Saint-Germain Gianluigi Buffon ayaa wuxuu ka hadlay kooxda uu u arko in xiliciyaareedkan ay ku guuleysan karto tartanka Champions League.

Kabtankii hore ee Juventus ayaa wuxuu qeyb ka noqon doonaa kulanka adag ay Paris Saint-Germain kula ciyaari doonto tartanka Champions League kooxda reer Talyaani ee Napoli.

Gianluigi Buffon ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sports” wuxuu kaga hadlay kulanka soo aadan ay kula ciyaari doonaan Napoli tartanka Champions League.

“Waxaan ku daawaday qolka labiska dhamaan saddexdii kulan ay kooxda Paris Saint-Germain kasoo ciyaartay tartanka Champions League”.

“Kulanka soo aadan aan la ciyaari doono kooxda Napoli wuxuu noqon dooaa kulan aad u adag, sababtoo ah Ancelotti wuxuu horumariyay kooxda”.

40 jirkan  ayaa intaas kadib doortay kooxda uu u arko in xili ciyaareedkan ay ku guuleysan karto tartanka Champions League wuxuuna yiri:

“Waxaan dhihi karaa in musharaxa ugu cad cad ee xili ciyaareedkan ku guuleysan kara tartanka Champions League ay tahay kooxda Barcelona, sababtoo ah waxay heystaan ciyaaryahanka ugu fiican adduunka ee Lionel Messi, sidoo kale Juventus oo iyadana sameesay saxiiyo fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close