Ajax oo go’aamisay qiimaha lagu iibsan karo Matthijs de Ligt

(Amsterdam) 02 Nof 2018 Kooxda Ajax ayaa go’aamisay qiimaha lagu iibsan karo daafaceeda 19 jirka ah ee Matthijs de Ligt.

Xiddigaan ayaa diirada u saaran kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub sida Barcelona, Juventus, Manchester City iyo Bayern Munich.

Image result for Matthijs de Ligt

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Ajax ay ku wargalisay kooxaha reer yurub ee doonaya Matthijs de Ligt inay miiska soo saaraan lacag dhan 60 milyan oo euro.

Barcelona ayaa aad ugu dhawaatay inay la wareegto Matthijs de Ligt suuqii xaggaaga, balse Ajax ayaa doorbiday inay sii haysato.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close