Zinedine Zidane oo fariin u diray jamaahiirta kooxda Juventus

(Juventus) 01 Nof 2018. Macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa qarka u saaran inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Juventus si uu door cusub uga ciyaaro maamulka Bianconeri.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Tuttosport”, Zidane ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxda Juventus, iyadoo loo marayo fiidiyow, lagu baahiyay baraha bulshada.

“Waxaan salaamayaa qof walba ee Madrid ku sugan, waxaan rajeynayaa inaad fiicnaan doontaan, waxaan rajeynayaa inaan tago Italy, islamarkaana aan waqti badan ku qaato, waan salaamaya qof kasta, Forza Juventus”.

Zidane ayaa la filayaa inuu ku laabto Juventus, si uu qeyb kaga noqdo maamulka sare ee kooxda, gaar ahaan kadib markii uu si rasmi ah kaga dhaqaaqay agaasimaha guud ee Bianconeri Giuseppe Marotta.

Waxaa xusid mudan in Zinedine Zidane uusan wax koox ah leylinin ilaa iyo haatan, tan iyo markii uu ka dhaqaaqay kooxda Real Madrid dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close