Zidane oo go’aamiyay inuu dib ugu laabanayo Real Madrid iyo inkale

(Madrid) 01 Nof 2018 Tababaraha reer France ee Zinedine Zidane ayaa go’aamiyay inuu dib ugu laabanayo Real Madrid.

Dhamaadka bishii May ee sanadkaan ayuu ka tagay Zinedine Zidane kooxdiisii hore ee Real Madrid oo haatan baadi goob ugu jirta tababare cusub.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Zinedine Zidane uu gabi ahaanba iska diiday wararka la xiriirinaya dib ugu laabashada Real Madrid.

Xiddigaha Real Madrid ayaa doonaya in dib loo soo celiyo Zinedine Zidane, rabitaankooda ayeeyna u gudbiyeen maamulka sare ee kooxda.

Balse Zidane ayaa iska diiday inuu markale hogaamiyo kooxda uu madaxwaynaha u yahay Florentino Perez.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close