“Sanadkaan ayay ugu SAHLAN tahay in la Doorto xiddiga ku guuleysanaya Ballon d’Or, waxaana qaadi doona….”.

(Europe) 01 Nof 2018. Madaxwaynihii hore ee UEFA Michel Platini, ayaa sheegay in sanadkan ay tahay marka ay ugu sahlan tahay in la doorto xiddiga ku guuleysanaya Ballon d’Or isagoona qaba inuu qaadi doono daafaca Real Madrid iyo xulka Faransiiska  Raphael Varane.

Ronaldo iyo Messi oo min shan jeer qaaday abaal marintan ayaa ka mid ah 30-ka xiddig ee sanadkan ku hardamaya Ballon d’Or.

Waxaa ugu cad cad inuu qaadan doono Luka Modric oo horey u noqday laacibka sanadka ee Yurub iyo waliba Laacibka ugu fiican sanadka ee FIFA.

Laakiin Platini ayaa qaba in abaal marinta uu qaadi doono Varane ee ah laacibka kaliya ee sanadkan ku wada guuleystay Champions League iyo Wold Cup.

Tokeo la picha la raphael varane ballon d'or

“Waa sanadka ay igu sahlan tahay in la doorto laacibka ku guuleysan doona Ballon d’Or.”. Platini ayaa sidaa u sheegay Warsidaha Faransiiska ee RMC.

“Waxaa jira hal laacib oo qura oo ku wada guuleystay Champions League iyo World Cup, waana Varane.

“Markasta waxaa jira dooda ku aadan Ronaldo iyo Messi, laakiin sanadkaan waxaa jira hal laacib, Hal xiddig oo kuwada guuleystay dhammaan, magaciisuna waa Varane.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close